Kooxda Liverpool ayaa qiimo dhan 70 milyan oo Yuuro ku xirtay iibka xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister, haddii Real Madrid ay doonayso inay la wareegto bisha Janaayo.
Laacibkan reer Argentina oo 2023-kii Liverpool ugaga soo biiray Brighton adduun dhan 35 milyan oo gini, ayaa kooxda kula guuleystay horyaalka Premier League, wuxuuna xilli-ciyaareedkan muujiyay qaab-ciyaareed fiican.
Si kastaba, Mac Allister oo la hadlayay wariye Gaston Edul ayaa qiray in maamulka Liverpool ay diideen inay kordhiyaan qandaraaskiisa oo ka harsan hal sano iyo bar, xilli heshiisyo cusub la siiyay Ryan Gravenberch iyo Dominik Szoboszlai. Wuxuu xusay in go’aankaas uu ku noqday mid xanuun badan, balse isbeddelka ku yimid tababaraha, agaasimaha ciyaaraha iyo maalgashadayaasha cusub ay ka dhigan tahay in wax walba ay dhici karaan mustaqbalka, inkastoo uu ku faraxsan yahay joogitaanka kooxda garoonka Anfield.
Dhanka kale, shabakadda Fichajes ee dalka Spain ayaa ku warrantay in Liverpool aysan wax qiimo-dhimis ah samayn doonin. Kooxda ayaa lacagtaas u adeegsan doonta dib-u-dhiska khadkeeda dhexe, haddii Real Madrid ay bixin weydo 70 milyan oo Yuuro bisha Janaayo, waxaa lagu qasbi doonaa inay sugto suuqyada soo socda.

