Wargeyska Marca ayaa shaaca ka qaaday shan isbeddel oo muhiim ah oo Real Madrid ka muuqday tan iyo markii José Mourinho uu hoggaanka kooxda qabtay xilli ciyaareedkan 2026/27.
Real Madrid ayaa horumar weyn ka samaysay dhinaca difaaca iyo maamulidda kubadda, iyadoo baasasku noqdeen kuwo sax ah, isla markaana la yareeyay kubbadaha si fudud loo lumiyo, gaar ahaan marka weerarka laga soo dhisayo daafaca.
Kooxda ayaa sidoo kale hadda si wanaagsan u maamusha xawaaraha ciyaarta, taasoo ciyaartoyda u saamaxaysa inay si fiican isu dhigaan oo ay cadaadis degdeg ah saaraan kooxda kasoo horjeeda marka kubadda laga lumiyo.
Waxaa kale oo kor u kacay isku-duubnida iyo degganaanshaha kooxda, gaar ahaan marka aysan awoodin inay kubadda isla markiiba dib u soo ceshadaan.
Dhinaca difaaca, Real Madrid ayaa noqotay mid abaabulan oo isku dhow, iyadoo si wanaagsan loo xirayo meelaha dhexe isla markaana masaafada u dhexeysa khadadka kooxda la yareeyay.
Isbeddelladan ayaa muuqday kulankii Racing ee Axaddii, markaas oo Real Madrid ay 3-0 ku badisay, waxaana kooxda Mourinho hadda isu diyaarinaysaa kulanka Champions League ee Arbacada ay la ciyaarayso AEK Athens.

