Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Declan Rice ayaa si weyn u amaanay isku duubnida iyo awoodda difaac ee kooxdiisa, kaddib guushii muhiimka ahayd ee ay ka gaareen Liverpool.
Rice ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee Arsenal xilligan xoogga siinaya ay tahay midnimada iyo wada shaqeynta ciyaartoyda, gaar ahaan qaabka ay kooxda oo dhan uga qeyb qaadato difaaca.
“Waxaan leenahay isku duubni aan caadi ahayn. Safka difaac ee aan haysanno… waa wax aanan waligey hore u arag.” ayuu yiri Rice.
Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii Arsenal ay 1-0 ku garaacday Liverpool garoonka Anfield, iyadoo Gunners ay sidoo kale ku guuleysatay inay shabaqeeda ilaashato.
Guushaas ayaa Arsenal siisay 24 dhibcood, iyadoo la wareegtay hoggaanka Premier League, waxaana Rice uu tilmaamay in isku duubnida kooxda iyo adkeysiga difaacu ay yihiin hubka ugu weyn ee Arsenal xilli ciyaareedkan.

