Macalinka Real Mourinho oo Real Madrid la sameeyay rikoor cajiib ah

0

Tababaraha Real Madrid José Mourinho ayaa sii wada natiijooyinkiisa wanaagsan, kaddib markii kooxdiisu 3-0 ku garaacday Racing Santander kulan ka tirsanaa wareegga 11-aad ee La Liga.

Guushan ayaa Real Madrid gaarsiisay 27 dhibcood, iyadoo kaalinta saddexaad ku jirta, isla markaana 3 dhibcood oo keliya ka dambeysa Barcelona oo hoggaanka haysa, Mourinho ayaa xilli ciyaareedkan ku guuleystay inuu soo afjaro afar rikoor oo guuldarro la’aan ah oo ay lahaayeen kooxo kala duwan.

Advertisment

Markii hore Real Madrid ayaa soo afjartay 6 bilood oo Inter Milan aan laga adkaan, waxaana xigay 5 bilood oo Roma aan laga badin, Mourinho iyo kooxdiisa ayaa sidoo kale soo afjaray rikoor weyn oo ay Barcelona ku lahayd garoonkeeda, iyadoo 17 bilood aan looga adkaan gurigeeda.

Haatan Racing Santander ayaa noqotay kooxda afraad, iyadoo Real Madrid ay soo afjartay 3 bilood oo Racing aan looga adkaan garoonkeeda kulamada La Liga.

Natiijooyinkan ayaa muujinaya in Real Madrid ee Mourinho ay xilli ciyaareedkan si gaar ah ugu fiicnaatay jebinta rikoorada guuldarro la’aanta kooxaha ay wajahdo.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here