Bayern Munich oo xiisaynaysa Dani Olmo
Wararka ka imanaya warbaahinta Isbaanishka iyo Jarmalka ayaa sheegaya in kooxda Bayern Munich ay xiisaynayso saxiixa xiddiga Barcelona Dani Olmo. Sida ay qortay Sport, oo soo xiganaysa Sky Sport Germany, Bayern waxay Olmo u aragtaa ciyaaryahan muhiim u noqon kara qorshaheeda mustaqbalka, gaar ahaan maadaama uu hore uga soo ciyaaray Bundesliga.
Olmo, oo Barcelona ku biiray 2024 isagoo ka yimid RB Leipzig, ayaa xilli ciyaareedkan aan si joogto ah ugu jirin shaxda koowaad. Fermín López ayaa helaya fursado badan, taasoo keentay in la hadal hayo mustaqbalka Olmo ee Barcelona. Si kastaba, Bayern weli si rasmi ah ugama aysan la xiriirin ciyaaryahanka.
Dhanka kale, dadka ku dhow Olmo ayaa sheegay inaysan jirin qorshe hadda uu ugu wareegayo Bayern, halka Barcelona ay iyaduna aysan doonayn inay iibiso. Kooxda Catalan-ka ayaa ku qanacsan tayada Olmo, gaar ahaan xirfaddiisa, awoodda uu kubadda ku dhammeystiro iyo gool dhalintiisa.
Kulamada waaweyn ee Barcelona ee soo socda, oo ay ka mid yihiin PSG iyo Real Madrid, ayaa noqon kara kuwo muhiim u ah Olmo, maadaama uu doonayo inuu helo door muuqda oo joogto ah kooxda.
HOYGA CIYAARAHA

