Gakpo oo ka hadlay xiisihii Manchester City: “Liverpool kama aysan hor istaagin bixitaankayga”

0

Xiddiga Liverpool, Cody Gakpo, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay mustaqbalkiisa iyo wixii uu soo maray intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagii, xilli uu si weyn ugu dhawaa inuu ka tago Anfield kuna biiro Manchester City.

Gakpo ayaa sheegay in xagaagii uu ahaa mid aad ugu adkaa isaga iyo qoyskiisa, iyadoo mustaqbalkiisa Liverpool uu noqday mid aan la hubin ilaa maalmaha ugu dambeeyay ee suuqa, Markii la weydiiyay haddii Liverpool ay diyaar u ahayd inay u ogolaato inuu ka tago kooxda, Gakpo wuxuu si cad u xaqiijiyay arrintaas.

Advertisment

“Haa, taasi gabi ahaanba waa sax. Arrintaas aniga gacantayda kuma jirin, sidaas darteed waxa kaliya ee aan sameyn karay waxay ahayd inaan diiradda saaro waxa aan ugu fiicanahay  ciyaarista kubadda cagta,” ayuu yiri Gakpo.

Xiddiga reer Netherlands ayaa sidoo kale sheegay inuusan doonayn inuu waqti badan ku lumiyo ka fikiridda waxyaabihii dhici lahaa ama aan dhicin:- “Waxaan ka walwali karaa wax kasta oo dhici kara ama aan dhicin, laakiin taasi waxba kama caawinayso xaaladda. Xagaagii aad buu u adkaa dhinac kasta, waxaana iska daayay arrimaha inay sida ay doonaan u dhacaan,” ayuu raaciyay.

Gakpo wuxuu sheegay inuu hadda doonayo inuu si buuxda ugu raaxeysto kubadda cagta, isaga oo aan ka welwelin waxyaabaha uusan gacanta ku hayn:- “Waxaan rabaa inaan kubadda cagta kula raaxeysto saaxiibadayda iyo xiddigaha kooxda, sidoo kalena aan nolosheyda ku raaxeysto. Wa arkeynaa waxa dhici doona,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Gakpo wuxuu qirtay inuu rumeysan yahay inuu awoodi karay inuu sameeyo xilli ciyaareed ka wanaagsan kii hore, isagoo tilmaamay in hadda uu doonayo inuu shaqadiisa uun diiradda saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here