Kooxda Barcelona ayaa wajahaysa dhibaato dhanka daafaca ah, kaddib markii ay xaqiijisay dhaawacyada Eric García iyo Jules Koundé, xilli ay isku diyaarinayso kulamada waaweyn ee Paris Saint-Germain iyo Real Madrid.
Eric García ayaa qaba dhaawac muruqa bowdada midig ah, kaasoo la filayo inuu garoomada uga maqnaado muddo u dhexeysa 3 ilaa 4 toddobaad, taasoo ka dhigan inuu seegi karo kulamo dhowr ah.
Dhanka kale, Jules Koundé ayaa dhaawac murgacasho ah ka qaba canqowga bidix, waxaana la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka Paris Saint-Germain.
Si kastaba ha ahaatee, wali lama oga inuu Koundé taam u noqon doono kulanka El Clásico ee ay Barcelona Axadda soo socota la ciyaari doonto Real Madrid, iyadoo go’aanka ugu dambeeya lagu saleyn doono sida uu dhaawaciisu uga soo raysto.
Dhaawacyadan ayaa caqabad ku noqonaya tababaraha Barcelona, maadaama kooxdu u baahan tahay inay hesho difaac adag ka hor labada kulan ee muhiimka u ah tartamada Yurub iyo LaLiga.

