Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa soo bandhigay wada-hadalkii VAR-ka iyo garsooraha ee ku saabsanaa rigooradii markii hore lagu dhigay Real Madrid kulankii Racing Santander.
Daqiiqaddii 71-aad, garsoore José Luis Munuera ayaa rigoore ku xukumay Real Madrid, kaddib markii kubaddu gacanta kaga dhacday Aurélien Tchouaméni. VAR-ka ayaa garsooraha kula taliyey inuu dhacdada dib u daawado.
Markii muuqaalka dhowr jeer la eegay, garsooruhu wuxuu xaqiijiyey in Tchouaméni marka hore kubadda si ula kac ah ugu ciyaaray, kaddibna ay gacantiisa ku dhacday, isla markaana ciyaaryahanka Racing uusan kubadda taaban.
Sidaas darteed, garsooraha ayaa go’aansaday in aysan rigoore ahayn, wuxuuna laalay go’aankiisii hore.
Real Madrid ayaa ugu dambayn kulanka ku badisay 3-0, iyadoo dhacdadan ay dhalisay hadal-hayn ku saabsan go’aanka VAR-ka.
🗣 AUDIO REVISIÓN VAR
🗓 Jornada 11 | Primera División
⚽ @realracingclub 🆚 @realmadrid | 72’
#ArbitrajeRFEF | @CTARFEF https://t.co/Uw5lTfKkYs
— RFEF (@rfef) November 1, 2026

