Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan La Liga Oo La Shaaciyay, Halkii Uu Mbappe Kaga Jiraa.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay 90 Min Xiddigaha ugu mushaharka badan horyaalka La Liga ayaa la soo saaray waxaana hogaaminaya Frenkie de Jong iyo Robert Lewandowski.

De Jong oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ayaa lagu wadaa in uu helo lacag dhan 37.5 milyan euro xilli ciyaareedka soo socda taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka La Liga.

Lewandowski ayaa ku xiga waxana uu sanadkii mushahar ahaan u qaataa 33.5 milyan oo euro waxana ku xiga xiddiga Real Madrid ee Mbappe kaas oo qaadanaya 31.2 milyan euro.

Waxaa ku soo baxay shanta ciyaaryahan ee ugu sareysa David Alaba oo sanadkii mushaar ahaan u qaata 22.5 milyan euro, iyo Jan Oblak oo ah goolhayaha reer Slovenia ee u ciyaara Atletico Madrid, wuxuuna sanadkii mushaar ahaan u qaataa 20.8 milyan euro.

Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha ugu mushaharka badan La Liga:

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga