Xiddigaha Barcelona Oo Doonaya In Uu Tababare Horay U Soo Maamulay Kooxda Badalo Xavi, Mana Ahan Guardiola.

Sida laga soo xigtay Sport, ciyaartoyda Barcelona ayaa aaminsan in Tababaraha PSG ee Luis Enrique uu yahay ninka ugu haboon ee bedeli kara Xavi.

Enrique ayaa Halyeey kooxda ah isaga oo guulo la gaadhay ka hor inta uuna tababare u noqon kooxda kuna hogaamin guulo waaweyn kulana guulaysan koobab.

Enrique Ayaa haatan tababare u ah kooxda PSG Waxana uu ku jiraa heshiis ilaa sanadka 2025 ah waxana lagu xidhay heshiiskiisa lacag lagu bur-burin karo.

Barcelona ayaa bilowday raadinta tababare cusub kadib markii uu Xavi xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed xiddigaha Barcelona ayaa aaminsan in uu Enrique soo celin karo wakhtigii fiicnaa ee Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa 10 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga