Xiddiga Barcelona, Raphinha, ayaa hoggaaminaya tartanka kabta dahabka ah ee Yurub, kaddib markii uu dhaliyay 12 gool siddeed kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.
Tartanka abaalmarinta European Golden Shoe ayaa sii kululaanaya, iyadoo Harry Kane, Kylian Mbappé, Erling Haaland iyo Lamine Yamal ay ka mid yihiin xiddigaha doonaya inay ku guuleystaan.
Kane ayaa abaalmarinta ku guuleystay xilli ciyaareedkii hore, kaddib markii uu tartanka Bundesliga ka dhaliyay 36 gool.
10-ka gooldhaliyeyaal ee ugu sarreeya:
Raphinha – Barcelona: 12 gool, 8 kulan.
Kylian Mbappé – Real Madrid: 9 gool, 9 kulan.
Lamine Yamal – Barcelona: 8 gool, 9 kulan.
Erling Haaland – Manchester City: 8 gool, 7 kulan.
Ante Budimir – Osasuna: 7 gool, 9 kulan.
Sergio Camello – Rayo Vallecano: 7 gool, 8 kulan.
Esteban Lepaul – Rennes: 7 gool, 7 kulan.
Yassir Zabiri – Racing Santander: 7 gool, 9 kulan.
Antonio Raimondo – Frosinone: 7 gool, 7 kulan.
Donyell Malen – Roma: 6 gool, 6 kulan.
Raphinha ayaa si weyn u soo jiitay indhaha taageerayaasha, isagoo labo saddexley oo goolal ah ka dhaliyay Racing Santander iyo Sevilla.

