Jamie Carragher oo soo bandhigay laacibiinta ugu cad cad ku guuleysiga kubada dahabka

0

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa magacaabay laba ciyaaryahan oo uu aaminsan yahay inay ku guuleysan karaan abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isaga oo sidoo kale sheegay in Lamine Yamal uu hadda yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Carragher ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii Paris Saint-Germain ay 4-2 kaga adkaatay Barcelona kulan ka tirsanaa Champions League habeenkii Talaadada.

Advertisment

Khabiirka reer England ayaa sheegay in Kylian Mbappé oo Real Madrid u ciyaara ama Harry Kane oo Bayern Munich ka tirsan ay ku guuleysan karaan abaalmarinta sannadkan.

Si kastaba, wuxuu ku adkaystay in Yamal uu hadda ka sarreeyo ciyaartoyda kale marka loo eego heerka uu garoonka ka muujinayo.

“Ballon d’Or waxaa la bixinayaa Isniinta, laakiin abaalmarintaasi waxay ku salaysan tahay wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore. Hadda waxaan eegaynaa ciyaaryahanka noqon kara kan ugu fiican adduunka,” ayuu yiri Carragher.

Wuxuu intaas ku daray: “Mbappé ama Kane ayaa ku guuleysan kara Ballon d’Or sannadkan, laakiin waqti xaadirkan, Lamine Yamal ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.”

 

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here