Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in uu sii joogo kooxda Man United xagaagan inkasta oo dhawaan la isla dhexmarayay mustaqbalkiisa Old Trafford.
29 jirkaan ayaa markale qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay Red Devils xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 15 gool, waxaana uu diiwaan geliyay 11 caawin 45 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Dhanka kale xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa dhaliyay 79 gool iyo 64 caawin 230 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu ka yimid Sporting Lisbon bishii Janaury 2020.
Fernandes ayaa qandaraaskiisa Old Trafford ku eg ilaa June 2026 iyo waliba 12 bilood Oo dookha ah laakiin si weyn ayaa loola xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda.
Kooxaha Saudi Arabia ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u doonayaan xiddiga reer Portugal, halka la sheegayo in Bayern Munich iyo Inter Milan ay sidoo kale xiiseynayaan saxiixiisa.
Horaantii bishaan, Fernandes wuxuu diiday inuu meesha ka saaro bixitaanka xagaaga, isagoo ku andacoonaya in go’aan mustaqbalkiisa aan la gaari doonin ilaa ka dib Euro 2024.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic, kubadsameyihii hore ee Sporting Lisbon ayaa si weyn loo filayaa inuu sii joogo Man United wixii ka dambeeya dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wargayska ayaa sheegaya in Fernandes iyo wakiiladiisa ay la kulmeen madax sare oo Man United todobaadkii hore si ay ugala hadlaan mustaqbalkiisa kooxda 20-ka jeer ku guulaystay horyaalka Ingariiska.
Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay si cad u sheegtay inaysan wax rabitaan ah ka qabin inuu baxo, halka kabtanka Red Devils uu sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu sii joogo, taasoo shardi u ah in kooxdu ay ku haboonaato hamigiisa.
Be the first to comment