Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Real Madrid Ka Hor Final-ka Champions League

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni ayaa la sheegay in shaki weyn uu ku jiro inuu ciyaari karo finalka Champions League bilowga bisha soo aadan, sababtoo ah dhaawac cagta ah oo ka soo gaaray kulankii Bayern Munich.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa la bedelay daqiiqadii 70aad ee guushii 2-1 ay ka gaareen Bayern lugta labaad ee semi-finalka koobka champions League habeenkii Arbacada.

Kooxda Real Madrid ayaa guul 4/3 ah ka gaadhay labada lugood kulankii champions League.

Laakiin Guusha ayaa keentay in uu Tchouameni ka dhaawacmo intii ay socotay ciyaartu.

“Kadib baaritaanadii maanta lagu sameeyay ciyaaryahankeena Aurelien Tchouameni waxaa lagu ogaadey in uu dhaawac ka soo gaaray cagtiisa bidix, waxana lagu samayn doonaa qiimayn”ayay kooxdu warbixin ku soo saartay.

Real Madrid ayaan waqti u qaban xiddiga laakiin waxa la hubaa in uu seegi doono kulamada ka dhiman horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga