Xiddig Khadka Dhexe Ah Oo Barcelona Ka Diiday Dalab Rasmi Ah, Sabab.

Mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee Yurub ugu baahida badan ee lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalab uu ka helay Barcelona.

Kooxda reer Catalan ayaa la rumeysan yahay inay suuqa ugu jirto ciyaaryahan khadka dhexe ah xagaagan, iyadoo Oriol Romeu uu ka tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

32-sano jirkaan ayaa Camp Nou ka yimid Girona xagaagii lasoo dhaafay, laakiin ma uusan awoodin inuu boos joogto ah ka helo tababarihii hore ee Xavi xilli ciyaareedkii 2023-24, waxaana uu ku Bilowday kaliya 11 kulan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa Barcelona la xiriirinayay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich kaas oo sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha sida Real Madrid, Manchester City, Liverpool iyo Arsenal.

Barcelona ayaa xaqiijisay in Hansi Flick loo magacaabay macalinkooda cusub Arbacadii kadib markii la ceyriyay Xavi, waxaana macalinka reer Jarmal uu horay ula soo shaqeeyay Kimmich heer kooxeed iyo heer caalami isagoo horay u soo maamulay Bayern iyo Germany.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa u muuqata inay dhabar jab kala kulantay raacdadii ay ugu jirtay Kimmich, iyadoo Sport ay sheegtay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu diiday dalab ay Barcelona u Soo bandhigay maadaama ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan wixii uu rabay.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga