Xiddig Ka Taga Liverpool Kadib Imaatinka Arne Slot

Arne Slot ayaan wali bilaaban shaqada Liverpool Oo dhawaan loo Magacaabay.

Laakiin durba xiddigii ugu horeeyay ayaa la sheegayaa in uu isaga tagi doono kooxda.

Slot ayaa Todobaadka dambe bilaabi doona shaqada Liverpool isaga Oo badali Doona Tababare Klopp.

Sida laga soo xigtay Wayne Veysey oo ka tirsan Football Insider, Caoimhin Kelleher ayaa doonaya inuu ka tago kooxda xagaaga.

Goolhayaha Jamhuuriyadda Ireland ayaa ku soo bilowday 26 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedka 2023/24, waana xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa marka la eego wakhtiga ciyaarta.

Goolhayaha ayaa ah Badalka Allison Oo ah dookha 1-aad ee kooxda.

Sidaas darteed Goolhayaha ayaa Doonaya in uu isaga tago kooxda xagaaga si uu ugu Biiro Koox uu joogto ugu ciyaaro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga