Xavi Oo Lagu Qasbay Inuu Beddelo Liiska Ciyaartoydiisa Caawa Ee Uu Hore U Shaaciyey – Waa Lagala Wareegay Masuuliyadda!!

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez go’aamadiisu kama shaqeeyaan gudaha kooxda, waxaana caddaynaya isbeddello lagu qasbay inuu ku sameeyo safkiisii uu hore u shaaciyey ee kulanka caawa ee Antwerp ee tartanka Champions League.

Xavi ayaa waxa uu hore liiskiisa uga reebay oo uu nasiimo ugu diray saddexda ciyaartoy ee Robert Lewandowski, Ilkay Gundogan iyo Ronald Araujo, laakiin waxa uu mar kale beddelay liiska ciyaartoyda uu hore u shaaciyey oo uu kusoo daray saddexdan ciyaartoy.

Shirkiisii jaraa’id ee ka hor ciyaarta ayaa uu ku sharraxay sababta keentay inuu saddexdan ciyaartoy ka daba keeno, waxaana uu ku sababeeyey in ay isku-duubnimada kooxdiisa u fiican tahay in ciyaartoydu ay wada seexdaan Belgium ka hor inta aanay ciyaarin.

Laakiin wariyaha ciyaaraha Joan Maria Pou oo ka tirsan idaacadda RAC1, ayaa sheegay in madaxweyne Joan Laporta uu ku qasbay Xavi inuu saddexdan ciyaartoy ku daro liiskiisa, isaga oo si toos ah ula soo hadlay markii uu arkay liiska kooxda ee la shaaciyey oo ay ka maqan yihiin Lewandowski, Araujo iyo Gundogan.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegaysa, in Xavi Hernandez oo uu culays badan saaran yahay, isla markaana su’aal la gelinayo shaqadiisa kaddib guul-darradii Girona oo Axaddii 4-2 ku karbaashtay, in Joan Laporta uu la maamulayo kooxda oo uu la go’aaminayo laacibiinta la ciyaarsiinayo iyo kuwa la nasinayo, isla markaana aanu Xavi u madax-bannaanayn inuu sida tababareyaasha kale u gaadho go’aamada kooxda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga