XASAASI: Xiddig Man United U Ciyaara Oo Qirtay In Uu Garsooruhu Ka Caawiyay United Goolkii Bruno Fernandes.

Xiddiga kooxda Man United ee Christian Eriksen ayaa Qirtay in garoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaartii Ay Bar-baraha la galeen Arsenal uu ka caawiyay in ay dhaliyaan goolka.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa dhaliyay goolka furitaanka kadib markii uu laad xor ah oo toos ah ka dhaliyay Arsenal.

Eriksen ayaa Qirtay in uu ku farxay in darbigii difaaca Arsenal uu aad uga fogaa kubada taasina ay ka caawisay in ay Man United dhaliso goolka.

Garoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaarta ayaa Darbiga Daafaca Arsenal u calaamadiyay meel ka fog meeshii loogu Tala galay taas oo muran badan ka dhalisay baraha bulshada.

Markii Eriksen wax laga weydiiyay goolkii uu dhaliyay Fernandes qeybtii hore, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa yiri: “Aad ayuu u wanaagsanaa”

“Waxa aan ku farxay in Darbiga Daafaca Arsenal aad uga fogaa meeshii loogu loogu Tala galay”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga