XASAASI: Ruben Amorim Oo U Soo Bandhigay Kooxda In Uu Boxo Kadib Guuldaradii Final-kii Europa League.

Ruben Amorim ayaa u soo bandhigay in uu isaga tago kooxda Man United isaga oo aan wax magdhow ah helin hadii ay kooxdu dareento in aanu haatan ahayn ninkii hogaamin lahaa kooxda.

Guuldaradii Tottenham ka soo gaartay finalka Europa League habeenkii Arbacada ayaa xaqiijineysa in United ay soo gabagabeyn doonto 2024-25 koob la’aan iyadoo soo kale aan ka qayb gali doonin tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe.

Iyaga oo ku jira kaalinta 16-aad ee premier Legaue, xilli ciyaareedka adag ayaa dhamaan doona Axada kulanka ay la ciyaari doonaan Aston Villa.

Waxay xaqiijinaysaa xilli ciyaareedkii ugu xumaa ee kooxda muddo 51 sano ah.

Amorim ayaa la keenay Old Trafford si uu u bedelo Erik ten Hag bishii November laakiin tababaraha reer Portugal ayaa kaliya lix guul gaaray 26 kulan oo horyaalka ah.

Inkasta oo uu doonayo in uu sii joogo kooxda waxa uu balan-qaaday in uu ka tagi doono kooxda isaga oo aan wax mag-dhaw ah qaadan hadii ay kooxdu go’aansato in ay shaqada ka caydhiso.

“Waqtigan xaadirka ah ma difaaci doono naftayda Ma samayn karo, runtii way igu adag tahay aniga,” Amorim ayaa ku yidhi shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

“Ma hayo wax aan tuso taageerayaasha oo aan ku idhaahdo horumar ayaan samaynayaa”.

“Wax walba wan u furanahay, hadii maamulka kooxdu go’aansadaan in aanan ahayn ninka saxda ah ee horay u wadi kara kooxda waan bixi doonaa aniga oo aan wax magdhaw ah ka qaadan kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga