
Xiddiga Bournemouth Justin Kluivert ayaa qirtay in Milos Kerkez uu ku wajahan yahay Liverpool xagaagan.
Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta daafaca bidix ee Bournemouth suuqa kala iibsiga xagaagan waxana uu heshiisku haatan u muuqdaa mid la dhamaystirtayo.
Kooxda Liverpool ayaa ku dhawdahay saxiixiisa xiddiga kooxda Leverkusen ee Florian writz kaas oo ay haatan isku diyaarinayaso in ay tijaabada caafimaadka marsiiso.
Agaasimaha ciyaaraha Richard Hughes ayaa sidoo kale ka shaqeynaya heshiiska ay kula soo wareegayaan xiddiga kooxda Bournemouth ee Kerkez, kaasoo laga yaabo inuu Andy Robertson ka qaato daafaca bidix ee koowaad ee kooxda xilli ciyaareedka soo socda.
Isagoo hadlayay ka dib markii Netherlands ay 8-0 ku xasuuqday Malta habeenkii Salaasada Kluivert ayaa shaaca ka qaaday dareenkiisa ku aadan heshiiska”Waxay u badan tahay inuu aadi doono halkaas”.
“Runtii weli ma macsalaamayn, laakiin waxaan rajeynayaa inuu halkaas Aaron”.
Be the first to comment