Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii La Ciyaaray Champions Legaue.

Waxa la ciyaaray xalay kulamo champions League ah oo ay ciyaareen kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka.

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay RB Leipzig waxana ay 2/1 oo natiijada labada lugood ah ugu baxday wareega xiga tartanka.

Dhinaca kale Man City ayaa garaacday Kooxda  København kulan ay si xarago leh isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka.

Hadaba Halkan kaga bogo xaqiiqooyinkii laga diwan galiyay Kulamadii la ciyaaray.

1.Manchester City ayaa badisay 28 ka mid ah 30-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartanka UEFA champions League (D2) oo ay ku jirto 12 kii kulan ee ugu dambeeyay oo xiriir ah. Waa kooxdii labaad ee 30+ kulan oo xiriir ah gurigeeda guuldaro la’aan ah tartanka, kadib Barcelona (38, Sep 2013 ilaa Nov 2020).

2.Jude Bellingham (4 gool, 4 cawin) waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ingiriis ah ee diwan galiyay 4 gool iyo wax ka badan iyo 4 caawin iyo wax ka badan hal xilli ciyaareed oo UEFA Champions League ah tan iyo Steven Gerrard 2007-08 (6 gool, 4 caawin).

3.Jude Bellingham oo jira 20 sano iyo 251 maalmood, waa ciyaartoygii saddexaad ee ugu da’da yaraa ee abid gool dhaliya ama caawiyay lix kulan oo xidhiidh ah oo UEFA Champions League ah, waxaana uu ka dambeeyaa kaliya Kylian Mbappé (18 sano jir 337d) iyo Erling Haaland (20 sano jir 231d).

4.Manchester City waa kooxdii ugu horeysay taariikhda tartamada Yurub oo dhalisa 3 gool iyo wax ka badan 9 kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga