Wesley Sneijder Oo Shaaciyay Wakhtigii Uu Erik Ten Hag Lumiyay Shaqada Man United.

Halyeeyga reer Netherlands ee Wesley Sneijder ayaa sheegay in mustaqbalka Ten Hag ee Man United soo dhamaaday 18 bilood ka hor markii uu kooxda Ka caydhiyay Cristiano Ronaldo.

Xiddiga 39 jirka ah ayaa ka xanaajiyay tababaraha iyo Man United kadib markii uu bixiyay waraysi muran badan dhaliyay.

Ronaldo ayaa dhaleeceeyay maamulka Man United iyo waliba Ten Hag sabab la xidhiidha dhibaatada kooxda.

Ronaldo ayaa ugu dambayn isaga tagay kooxda Man United isaga oo ku biiray kooxda Al-Nassr ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka TV-ga Holland ee Veronica Offside habeenkii isniinta, Sneijder wuxuu yiri: ‘Mar hore ayuu qalad sameeyay isagoo la tartamaya Ronaldo”.

“Waxa uu meeshaas ku waayay ixtiraamkii qof walba. Wuxuu mooday inay si kale u shaqayn doonto, laakiin dabcan maya”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga