Weeraryahankii hore ee Manchester United, Michael Owen, ayaa ka hadlay magacaabista Mauricio Pochettino

0

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Michael Owen, ayaa ka hadlay magacaabista Mauricio Pochettino oo loo dhiibay hoggaanka kooxda, isagoo sidoo kale walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ay Red Devils ku jirto iyo halista ay ugu jirto inay ka harto horyaalka Premier League.

Pochettino ayaa shaqada kala wareegaya Michael Carrick oo kooxda laga cayriyey kadib markii uu guuleystay kaliya saddex kulan 15-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada. Tababaraha reer Argentina ayaa saxiixay heshiis soconaya ilaa 2029, xilli Manchester United ay ku jirto aagga looga dhaco horyaalka.

Advertisment

Michael Owen ayaa sheegay in haddii Manchester United ay u dhacdo heerka labaad ay noqon doonto lama-filaan weyn oo la mid ah guushii taariikhiga ahayd ee Leicester City ay ku qaaday Premier League. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay inaysan taasi dhici doonin, maadaama kooxda ay haysato ciyaartoy tayo ahaan u qalma Champions League ama ugu yaraan kaalinta lixaad ee horyaalka.

Dhanka kale, Owen ayaa soo dhaweeyay magacaabista Pochettino, isaga oo ku tilmaamay tababare wanaagsan, balse wuxuu shaki ka muujiyay inuu wax badan ka beddeli karo xaaladda kooxda. Wuxuu xusay in tababarayaal waaweyn sida Jose Mourinho, Louis van Gaal, Ole Gunnar Solskjaer, David Moyes iyo Ruben Amorim ay dhammaantood ku fashilmeen inay United dib ugu soo celiyaan guulihii, taas oo uu ku tilmaamay dhibaato la xiriirta qaab-dhismeedka maamulka kooxda ee Old Trafford.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here