Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Brazil, Vinícius Júnior, ayaa qirtay inuu mas’uul ka yahay hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan.
Vinícius ayaa sheegay in diyaar-garowgiisii Koobka Adduunka kaddib uusan ku filnayn, maadaama uu fasaxiisa ku qaatay nasasho iyo waqti uu la qaato qoyskiisa, taasoo keentay in tababarkiisu ka yaraado sidii sannadihii hore.
Xiddiga reer Brazil ayaa sidoo kale xusay in cadaadis badan uu kala kulmay arrimaha heshiis kordhintiisa iyo xiisaha kooxo kale ay u muujiyeen xagaagii hore.
Vinícius, oo 12 kulan dhaliyay hal gool, islamarkaana sameeyay saddex caawin, ayaa sheegay in maadaama uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka, uu qaadayo mas’uuliyadda ugu weyn, balse uu aaminsan yahay in xilli ciyaareedku weli dheer yahay.

