Weeraryahanka Chelsea, João Pedro oo wacdaradiisa laga yaabay & Xidig aan caadi aheyn ayuu

0

Weeraryahanka Chelsea, João Pedro, ayaa indhaha soo jiitay markii uu garoonka ku yimid isagoo xiran silsilad qoorta ah oo ay ku qoran tahay lambarka 9, ka hor kulankii ay Chelsea la ciyaaraysay Everton.

Arrintan ayaa loo fasirtay inay jawaab u tahay tababarihii hore ee Chelsea, Enzo Maresca, kaasoo hore u sheegay in Pedro uusan ahayn weeraryahan No. 9 ah oo sannad kasta dhalin kara 20 gool ama ka badan.

Advertisment

Laakiin Pedro ayaa xilli ciyaareedkan si fiican ku bilowday, isagoo shan gool dhaliyay shantii kulan ee ugu horreeyay Premier League, sidoo kalena sameeyay saddex caawin.

Tababaraha cusub ee Chelsea, Xabi Alonso, ayaa ammaanay qaab ciyaareedkiisa, isagoo ku boorriyay inuu sii wado bandhiggiisa wanaagsan.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here