Weeraryahan Loo Sheegay In Uu Iska Diido Man United Kuna Biiro Arsenal, Sabab.

Frank de Boer ayaa ku booriyay weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee inuu ku biiro Arsenal iskana diido kooxaha Manchester United, Inter iyo AC Milan xagaagan.

Zirkzee ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Bologna xilli ciyaareedkan iyada oo 11 gool oo uu ka dhaliyay Serie A ay kooxda ka caawisay in ay ku dhamaysato kaalinta 4-aad ee kala saraynta taas oo xaqiijisatay u soo bixitaanka champions league.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub xagaagan waxana ay isha ku hayeen horumarka Zirkzee ee Bologna, si kastaba ha ahaatee, waxa ay tartan adag kala kulmayaan United, AC Milan iyo kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter.

Si kastaba ha ahaatee, daaficii hore ee Barcelona iyo Netherlands De Boer ayaa aaminsan in Arsenal ay u taagan tahay tan ugu fiican ee Zirkzee hadii uu go’aansado inuu u dhaqaaqo.

Markii la weydiiyay kooxda u roon inuu Zirkzee ku biiro xagaagan, De Boer ayaa u sheegay Calciomercato: ‘Ixtiraam weyn ayaan u hayaa Arsenal, waxay leeyihiin dulqaad, tusaale ahaan waxay la kulmeen Arteta oo aan si fiican ku bilaaban”.

“Hadii ay koox kale dhici lahayd Wakhti horeb waa lagu diri lahaa, Waxa uu si fiican u ciyaaray labadii sano ee la soo dhaafay, Inter sidoo kale si fiican ayay u ciyaartaa”.”

Hadii aan koox magacaabo waxa aan u doori lahaa Arsenal Sababta Oo ah waxa ay leeyihiin samir ay ugu dul qaadan karaan kalsoonina ugu siin karaa”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga