Wayne Rooney oo Bruno Fernandes iyo Lisandro Martínez ku tilmaamay ciyaartoy danaystayaal ah

0

Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa si kulul u dhaliilay Bruno Fernandes iyo Lisandro Martínez, kaddib markii ay si fagaare ah u dhaliileen tababare Michael Carrick iyo maamulka kooxda.

Rooney oo ka hadlayay barnaamijka The United Stand ayaa yiri: “Markii Martínez uu hadlay, waxaan iri tani waa musiibo weyn, sababtoo ah waxay kala qaybin doontaa qolka labiska. Halkaas ayay dhibaatadu ka bilaabatay.”

Advertisment

Wuxuu intaas ku daray in hadallada Fernandes ay muujinayaan in ciyaartoy badan aysan doonayn inay masuuliyadda qaataan:- “Waxaad odhan kartaa Bruno wuu ku saxnaa ama wuu ku qaldanaa waxa uu sheegay, laakiin waa inaad garoonka dhexdiisa masuuliyadda qaadataan. Waa inaad koox ahaan masuuliyadda u wada qaadataan.”

Rooney ayaa si gaar ah u dhaliilay hab-dhaqanka ciyaartoyda Manchester United, isaga oo yiri: “Ciyaartoydani waa danaystayaal. Waxba kama gelin saaxiibadooda kooxda, tababaraha, shaqaalaha ama taageerayaasha; naftooda oo keliya ayay daneeyaan.”

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay ciyaartoyda kuwo u dhaqmaya sida carruurta marka aysan wax walba u dhicin sidii ay rabaan:- “Haddii aysan helin waxa ay iyagu doonayaan, waxay u dhaqmaan sida carruur yaryar, way xanaaqaan, waxayna eedda dusha ka saaraan cid kasta oo kale halkii ay naftooda eegi lahaayeen.”

Rooney ayaa intaa ku daray in Bruno Fernandes uu marayo xilli ciyaareedkiisa mid ka mid ah waqtiyadii ugu adkaa tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray, isaga oo sheegay in kabtanku u muuqdo inuu cadaadiska u wareejinayo tababaraha halkii uu isagu is qiimeyn lahaa.

Dhaliisha Rooney ayaa timid kaddib guuldarradii Manchester United ee 4-1 ahayd ee ay kala kulantay Como tartanka Champions League. Fernandes ayaa kulanka kaddib su’aal geliyay xeeladaha tababare Carrick, halka Martínez uu horay u dhaliilay maamulka kooxda kaddib guuldarradii Atlético Madrid.

 

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here