Tabaraha Chelsea oo si adag uga hadlay Rajada Chelsea & iney kusoo laabato halka ugu sareeya Horyaalka

0

Tababare Xabi Alonso ayaa sheegay in kooxdiisu ay dooneyso inay dib ugu laabato heerkii guulaha waaweynaa ee ay hore u gaartay, isaga oo xusay in kooxda ay taariikh ku leedahay ku guuleysiga Champions League iyo Premier League.

Alonso ayaa sheegay in guulahaas ay weli yihiin kuwo ay hiigsanayaan, isla markaana ay doonayaan inay mar kale gaaraan heerkii ay hore ugu tartami jireen koobabka waaweyn.

Advertisment

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha ayaa caddeeyay inaysan macquul ahayn in la filayo in wax walba ay isla markiiba hagaagaan, isaga oo muujiyay in dib u soo celinta heerkii hore ay u baahan karto waqti.

“Doqon ma nihin inaan u maleyno in wax walba ay hadda isla markiiba hagaagayaan,” ayuu Alonso u sheegay Sky, isaga oo ka hadlayay baahida loo qabo in si macquul ah loo wajaho xaaladda kooxda.

Hadalkan ayaa muujinaya in Alonso uu doonayo in kooxdiisu dib ugu laabato guulaha waaweyn, balse uu sidoo kale garwaaqsan yahay in hadafkaas u baahan yahay dulqaad, dadaal iyo horumar joogto ah.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here