Wayne Rooney: Man United Halkan Arin Way Ku Farxi Doontaa, Cadaadiskuna Waxa Uu Saaranyahay Liverpool

Kabtankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay farxad weyn helayso hadii ay dhibic kala soo laabato Anfield kulanka manta.

Si kastaba ha ahaatee, Rooney wuxuu rumeysan yahay in cadaadiska “si dhab ah” uu saaranyahay Liverpool kadib guuldarrooyinkii is xigay ee saddexda kulan ee ugu dambeysay.

Wuxuu yiri: “Iyadoo Liverpool ay luminayso saddex kulan oo isku xiga, waxaan u maleynayaa in kibirku uu ciyaarayo doorkiisa, taageerayaashuna way ogyihiin, taageerayaashu ma aha dad doqon ah, way og yihiin waxaana ay garab istaagi doonaan kooxda si ay u dhiirrigeliyaan oo u kiciyaan.”

“Marka, aniga oo eegaya United, haddii ay halkaas tagaan oo ay hal dhibic kala soo baxaan, waxaan u maleynayaa in taas ay noqon doonto wax weyn.”

“Waxaan aaminsanahay in cadaadiska ciyaartan uu dhab ahaantii saaran yahay kooxda kale, sababtoo ah ma aaminsani in taageerayaasha United ay filayaan seddexda dhibcood ciyaartan, halka kulamo kale ay sidaas filan karaan.”

“Waxaan u maleynayaa inay (United) ciyaarta u galayaan iyaga oo leh, ‘haddii aan hal dhibic helno waan ku farxi doonaa’, halka aan aaminsanahay in Liverpool ay si ka duwan u aragto – haddii Liverpool guuldareysato afar kulan oo isku xiga oo ay Manchester United guuldaro ala kulanto Anfiled markaas cadaadiska dhab ahaantii wuxuu si buuxda u saaran yahay Liverpool ciyaartan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga