Way Taajireen!! Lacagta Ay Real Madrid Ka Heshay Wareeggii Group-yada Champions League Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lacag badan ka heshay xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA kaddib markii ay dhamaan soo guuleysatay kulamadii wareegga group-yada tartanka Champions League, iyagoo ah kooxda kaliya ee dhamaan badisay lixdii ciyaarood ee wareeggaas.

Los Blancos ayaa waxa xalay waqti dambe ay ka adkaatay Union Berlin oo ay marti ugu ahaayeen caasimadda waddanka Germany, waxaanay kusoo garaaceen 3-2 iyadoo goolka guusha uu u dhaliyey Dani Ceballos daqiiqaddii 89aad.

Waxay hore Real Madrid uga soo adkaatay laba jeer naadiga awoodda badan ee Talyaaniga ee Napoli iyadoo Sporting Braga iyo Union Berlin ay iyaguna min labadii jeer ee ay iska hor yimaaddeenba ay ka badiyeen.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Real Madrid ay mar horeba xaqiijisatay in ay UEFA ka heli doonto €42 milyan oo Euro, waana ku dhowaad kala-badh lacagta ay kooxda ugu badan ka helayso tartankan oo ah €85 milyan oo Euro.

Ciyaar kasta oo ay soo guuleysatay Real Madrid waxay ku heshay €2.8 milyan oo Euro oo wadarta ka dhigaysa €16.8 milyan oo Euro, waxaana lagu darayaa €15.6 milyan oo Euro oo ah kasoo qayb-galka tartanka iyo €9.6 milyan oo Euro oo lagu siinayo inay usoo gudbeen wareegga 16ka tartanka Champions League.

Bayern Munich ayaa ah kooxda labaad ee lacagta ugu badan ka heshay UEFA, laakiin waxaana loo shubi doonaa €40.1 milyan oo Euro maadaama ay shan ciyaarood guuleysatay hal kulanna barbarro gashay, waxaanay isku mid noqon doonaan Manchester City haddii ay caawa ka badiso Red Star Belgrade.

Barcelona ayaa dhinaceeda xoogsatay €36.1 milyan oo Gini, laakiin haddii ay caawa ka badiyaan Royal Antwerp, waxa lacagta ay xoogsanayaan ay gaadhi doontaa €38.9 milyan oo Euro.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa waxay xalay barbarraysay rikoodhkii Bayern Munich ee wareegga group-yada Champions League, taas oo ahayd kooxda kaliya ee saddex jeer wada-guuleysatay dhamaan kulamadii wareega group-yada, isla markaana 18 dhibcood kusoo gduubtay. Real Madrid ayaa ah kooxdii labaad ee sidaa samaysa, waxaana hadda rikoodhkan uu kali u yahay Bayern Munich iyo Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga