WARBIXIN: Garnacho, Isak Iyo Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa Xagaaga.

Suuqa Kala Iibsiga ayaan wali Furmin laakiin taas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu samayn Karin saxiixyo

Kooxaha ayaa haatanba bilaabayay wadahadalada ay ku doonayaan xiddigo cusub ka hor inta uuna dhamaan xilli ciyaareedku.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doona saxiixyada dhaca inta inta lagu jiro suuqa xagaaga hadii ay tahay tababarayaal ama xiddigo kale.

Alexander Isak -> Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xidiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak kaas oo ay kula sii wareegayso heshiis rikoodh ah.

Alejandro Garnacho > Chelsea:

Alejandro Garnacho si rasmi ah ayuu uga baxay Manchester United kuna biiray Chelsea.

Eberechi Eze -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Eberechi Eze sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano Arsenal ayaa heshiis la gaadhay kooxda Palace si ay ula soo saxiixato xiddiga reer England ee Eberechi Eze.

Xiddiga ayaa iska diiday Tottenham isaga oo ka doortay ku biirista Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Benjamin Šeško -> Man United:

Manchester United ayaa dhammeystirtay heshiis ku kacaya £73.7 milyan si ay ula saxiixato weeraryahanka Benjamin Šeško oo ka yimid RB Leipzig.

Weeraryahanka reer Slovenia oo 22 jir ah ayaa saxiixay heshiis shan sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford. Manchester United waxay bixin doontaa lacag hordhac ah oo ah £66.26 milyan (€76.5 milyan), iyo £7.36 milyan (€8.5 milyan) oo ah gunnooyin la xiriira waxqabadka ciyaaryahanka

Macus Rashford -> Barcelona:

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa bayaan rasmi ah ku xaqiijisay saxiixa xiddiga Marcus Rashford kaas oo ay si maah ah kala soo wareegeen kooxda Man United.

Sida laga soo xigtay xogta saxafiga Fabrizio Romano Rashford ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah oo amah ah.

Barcelona ayaa sidoo kale dookh u haysata in ay si toos ah ugula wareegto lacag dhan 30 milyan oo euro.

Viktor Gyökeres -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyökeres.

Arsenal ayaa Viktor Gyökeres ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu weyn suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Arsenal ayaa Sporting kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Sweden kaas oo ay ka dhigeen saxiixoodii ugu dambeeyay.

Hugo Ekitike -> Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Liverpool heshiis buuxa la gaadhay kooxda Eintracht Frankfurt si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Bryan Mbeumo -> Man United:

Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Brentford ee Bryan Mbeumo kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu dambeeyay.

Man United ayaa xiddiga Bryan Mbeumo ka soo bixisay lacag dhan 70 milyan oo euro iyada oo ku xoojinaysa weerarkeeda.

João Pedro -> Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee João Pedro kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii uGgu dambeeyay.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Chelsea João Pedro ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah.

Chelsea ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro si ay ugu xoojiso kooxda.

Freddie Woodman -> Liverpool:

Liverpool ayaa sii wada dar-dartii ay ka waday suuqa kala iibsiga iyaga oo la soo saxiixday xiddig kale.

Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixeedii 4-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Liverpool ayaa xaqiijisay in ay la soo saxiixatay Goolhaye Freddie Woodman kaas oo ay ka dhigayso Goolhayeheeda 3-aad ee xilli ciyaareedka dambe.

Christian Nørgaard -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Brntford ee Christian Nørgaard.

Arsenal ayaa kaliya saacado u baahatay in ay dhamaystir dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Juan Garcia -> Barcelona:

Barcelona ayaa war rasmi ah oo ay Arbacadii ku shaacisay website-keeda ku sheegtay inay la soo wareegtay goolhayaha kooxda Espanyol ee Juan Garcia.

Goolhayaha reer Spain ayaa ah saxiixii ugu horeeyay ee Barcelona xagaagan, si ay isugu diyaariyaan tartamada xilli ciyaareedka soo socda.

Garcia ayaa xilli ciyaareed heer sarre ah la qaatay Espanyol, isagoo soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah, ka hor inta uusan goolhayaha da’da yar go’aansan inuu u dhaqaaqo Barcelona.

Milos Kerkez  -> Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Milos Kerkez kaas oo ay kala soo wareegtay Bournemouth.

Kooxda Liverpool ayaa Milos Kerkez ka dhigaysa saxiixeedii 3-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Reds ayaa heshiis 5 sano ah ka saxiixatay Milos Kerkez iyada oo ku xoojinaysa daafaceeda bidix xilli ciyaareedka dambe.

Florian Wirtz-> Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga Florian Wirtz kaaa oo ay kala soo wareegtay kooxda Leverkusen.

Liverpool ayaa Florian writzka dhigaysa saxiixa ugu qaalisan taariikhda suuqa Kala iibsiga.

Reds ayaa Florian writz ka bixisay lacag dhan 150 milyan oo Euro si ay u dhamaystirto saxiixiisa.

Rayan Cherki -> Man City:

Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Rayan Cherki kaas oo ay ku xoojinayso kooxda.

Man City ayaa xiddiga reer France ka bixinaysa lacag dhan 35 milyan oo euro oo ay ku jirto lacagaha gunooyinka ah.

Xiddiga Rayan Cherki oo loo keenayo badalka De Bruyne ayaa qalinka ku duugaya heshiis 5 sano ah oo uu ku joogayo kooxda.

Rayan Aït-Nouri -> Man City

Kooxda Man City ayaa heshiis buuxa la gaadhay kooxda Wolves iyaga oo kala heshiiyay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Rayan Aït-Nouri sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Man City ayaa xiddiga Rayan Aït-Nouri ka bixinaysa lacag dhan 40 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Morocco.

Xiddiga ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Man City maalinta sabtida ee soo socota.

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ayaa wakhti hore ogolaaday heshiiska shaqsiga ah.

Liam Delap -> Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga weerarka ka ciyaara ee Liam Delap.

Kooxda Chelsea ayaa Liam Delap ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Blues ayaa heshiis 5 sano ah ka saxiixanaysa xiddiga weerarka ka ciyaara si ay ugu xoojiso kooxda.

Matheus Cunha -> Man United:

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Wolves ee Matheus Cunha kaas oo ay ka dhigtay saxiixii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Man United ayaa Matheus Cunha kala heshiisay heshiiska shaqsiga ah todobaadkii hore si uu ugu biiro kooxda.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale ogolaatay lacag dhan 62 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga kadib wadahadalo ay la yeelatay Wolves.

Jeremie Frimpong -> Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong.

Jeremie Frimpong ayaa Liverpool ugu soo biiray heshiis 5 sano ah oo uu ku joogayo kooxda Anfield ilaa xagaaga 2030.

Kooxda Liverpool ayaa bixisay lacagta 35 milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa kooxda Leverkusen.

Dean Huijsen ->Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga Dean Huijsen kaas oo ay kala soo wareegtay Bournemouth.

Real Madrid ayaa xiddiga reer Spain ee Dean Huijsen ka dhigtay saxiixyadeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Dean Huijsen ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2030 si uu kooxda ula joogo muddo dheer.

Real Madrid ayaa Dean Huijsen ka bixisay lacag dhan 50 milyan oo euro oo ah lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Ancelotti -> Brazil:

Ednaldo Rodrigues, madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xulka qaranka loo magacaabay tababaraha eer Italy ee Carlo Ancelotti kaas oo haatan ah tababaraha kooxda Real Madrid.

Magaca Ancelotti ayaa in muddo ah lala xiriirinayay inuu tababare u noqon doono xulka qaranka Brazil, waxaana hadda soo baxay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil si uu u xaqiijiyo saxiixa.

Xabi Alonso -> Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in Xabi Alonso noqday tababarohooda cusub.

Real ayaa xaqiijisay in Xabi Alonso qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2028 si uu u hogaamiyo kooxda.

Martin Zubimendi -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa durba dhamaystirtay saxiixa xiddiga Martin Zubimendi kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda Real Sociedad.

Arsenal ayaa bixinaysa lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xiddiga Khadka dhexe iyada oo haatanba heshiis ka saxiixatay xiddiga.

Trent Alexander-Arnold -> Real Madrid:

Trent Alexander-Arnold ayaa ku biiraya kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa Liverpool.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold oo xaqiijiyay in uu ka tagayo Liverpool ayaa si xor ah ugu biiraya kooxda Los Blancos.

Xiddiga reer Engand ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ka dhisan caasimada Madrid.

1 Comment

Leave a Reply to JabartiCancel reply