WARBIXIN: Xiddigaha Ugu Dhakhsaha Badan Ee Gaadhay 50 Gool Champions League Oo La Soo Saaray

Champions League waa marxalada ay ku dhashaan halyeeyo, in 50 gool laga dhaliyo tartanka kooxaha Yurub waa arin cajiib ah.

Waxa loo baahanyahay joogtayn, dadaal iyo waliba Karti dheeraad ah si aad uga dhaliso goolal badan.

Halka ciyaartoyda qaar ay sanado ku qaataan inay gaadhaan heerkan muhiimka ah, qaar kalena waxay ku gaadheen wakhti rikoor ah.

Warbixintan waxa aan ku eegi doonaa sagaalka ciyaaryahan ee ugu dhaqsiyaha badan si ay u gaaraan 50 gool oo Champions League ah, iyadoo Kylian Mbappe uu dhawaan noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee gaaray rikoorka weyn.

Waxa uu dhaliyay goolkiisii 50-aad ee tartanka ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii labaad ee tartanka kooxda cusub ee Real Madrid ka dib markii uu xagaagii ka soo dhaqaaqay PSG.

Halyeeyga Man United ee Ruud van Nistelrooy ayay ku qaadatay 62 kulan oo champions league ah si uu u gaadhl 50 gool waana xiddiga ugu dhakhsaha badan.

Waxa ku xiga xiddiga Lionel Messi kaas oo 50 gool oo champions league ah ku dhaliyay 66 kulan oo uu ciyaaray waana xiddiga 2-aad we rikoodhkaas dhigay.

Wax kaalinta 3-aad ku jira xiddiga Robert Lewandowski kaas oo u baahday 77 kulan si uu u dhaliyo 50 gool champions league.

Waxa ku xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappe kaas oo ay ku qaadatay 79 kulan si uu u gaadhl 50 gool champions league.

Waxa ku xiga Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo oo ku gaadhay 50 gool oo champions league ah 88 iyo 91 kulan sida ay u kala horeeyaan.

Raul Gonzalez oo ah halyeeyga Real Madrid ayay ku qaadatay 97 kulan in uu ku dhaliyo 50 gool champions league halkan Thiery Henry ku qaadatay 103 kulan.

Ugu dambayn xiddiga Bayern Munich ee Thomas Muler ayaa u baahday 130 kulan si uu u dhaliyo 50 kulan champions league.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga