WARBIXIN: Tababarayaal Champions League Ku Guulaystay Iyaga Oo Ciyaartoy Ah & Iyaga Oo Tababare Ah.

Champions League waa tartan uu ku hamiyo ku guulaysiga xiddig kasta iyo tababare kasta.

In uu qofku hal mar ku guulaysto-na waa sharaf aad u weyn kubada cagta.

Laakiin waxa in uu ciyaartoygu ku guulaysto tartanka isaga oo ciyaartoy ah kadib ku guulaysto isaga oo tababare ah waa mid dhif iyo naadir ah.

Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa warixin shaqsiyadaad tartanka ku guulaystay iyaga oo ciyaartoy ah iyo waliba iyaga oo tababare ah.

Miguel Muñoz:

Munoz ayaa isaga oo ciyaartoy ah Real Madrud kula guulaystay champions League sanadihii 1956, 1957 & 1958.

Isaga oo tababare ah waxa uu kooxda Real Madrid kula guulastay sanadihii 1960 & 1966.

Giovanni Trapattoni:

Halyeeyga reer Talyaani ee khadka dhexe ayaa Ac Milan kula guulaystay champions League sanadihii 1963 iyo 1969 Halka uu isaga oo tbabare ah kooxda Juventus kula guulaystay tartanka xilli ciyaareedkii 1985.

Johan Cruyff:

Xiddigan ayaa champions League kula guulaystay AJax isaga oo ciyaartoy ah sanadihii 1971, 1972 iyo 1973 halka uu Barcelona kula guulaystay tartanka sanadkii 1992.

Carlo Ancelotti:

Tababaraha Real Madrid ee haatan ayaa isaga oo ciyaartoy ah champions Legaue kula guulaystay Ac Milan sanadihii 1989 iyo 1990 ahlak uu isla Ac Milan isaga oo tababare ah kula guulaystay sanadihii 2003, 2007 iyo Real Madrid oo uu kula guulaystay 2014.

Frank Rijkaard:

Ciyaartoy ahaan Frank Rijkaard champions League kula guulaystay kooxaha Ac Milan sanadihii 1989 iyo 1990 halka uu Ajax kula guulaystay sanadkii 1995 tababare ahaan Waxa uu Barcelona kula guulaystay champions league 2006.

Josep Guardiola:

Guardiola ayaa isaga oo ciyaartoy ah Barcelona kula guulaystay champions league sanadkii 1992 halka uu isaga oo tababare ah kula guulaystay Barcelona 2009, 2011 sidoo kale Man City ayaa kula guulaystay tartanka sanadkii 2023.

Zinédine Zidane:

Ciyaartoy ahaan Zidane ayaa Real Madrid kula guulaystay champions League sanadkii 2002 halka uu isaga oo tababare ah Real ku hogaamiyay tartanka 2016, 2017 iyo 2018.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga