WARBIXIN: Bukayo Saka Oo Arsenal Xasuusin Kara Waayihii Wacnaa Kulanka Sheffield United

Xiddiga Garabka Arsenal Bukayo Saka ayaa Dennis Bergkamp iyo Harry Kane kula biiri kara rikoodh gool dhalineed gaar ah oo Premier League ah kulanka isniinta ee Sheffield United ee Bramall Lane.

22-sano jirkaan ayaa sii wata inuu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah iyo inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican dalka isagoo dhaliyay 16 gool 13 caawin 34 kulan oo uu u saftay kooxda Mikel Arteta intii lagu jiray xilli ciyaareedkanhadda socda.

13 ka mid ah goolashaas iyo waliba 8 caawin ayaa yimid 25 kulan Oo premier league ah xilli uu sii wado wax qabadkiisa cajiibka ah xilli ciyaareedkan.

Waxqabadkaas waxa ka mid ah 2 gool Oo uu ka dhaliyay kulankii ay 6/0 kaga badiyeen West Ham kulan ka tirsanaa premier league iyo kulankii xigay ee ay 5/0 kaga badiyeen Burnley.

Sidoo kale Saka ayaa dhaliyay gool kulankii ay kooxdiisu 4/1 kaga badiyeen Newcastle.

isagoo sidaas ku dhaliyay kulankii shanaad ee Premier League oo xiriir ah, waana ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah oo sidaas u sameeya Arsenal tan iyo Ian Wright 1994kii.

Saka ayaa haatan magaciisa ku qori kara taariikhda ciyaaryahankii seddexaad ee taariikhda Premier League ee dhaliya goolal badan seddex kulan oo isku xigta oo uu marti yahay tartanka.

Kaliya weeraryahankii hore ee Arsenal Bergkamp iyo weeryahankii hore ee Tottenham Kane ayaa ku guuleystay in ay Rikoodhkaas ka dhigaan Premier League, iyada Oo midka hore sidaas sameeyay kulamadii Chelsea, Leicester City iyo Southampton xilli ciyaareedkii 1997-98.

Dhanka kale, Kane – oo ah gooldhaliyaha labaad ee ugu goolasha badan taariikhda Premier League ayaa Rikoodhkaas dhigay isaga Oo min 2 gool dhaliyay kulamadii Everton, West Ham United iyo Huddersfield Town xilli ciyaareedkii 2017-18.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga