WARBIXIN: 7 Rikoodh Oo Uu Lionel Messi Jabin Karo Tartanka Copa America

Lionel Messi waxa uu jabin karaa nooc kasta oo rikoodho ah xagaagan Tartanka Copa America ee ka dhici doona dalka Maraykanka.

Sugitaankii Messi ee in uu Koobka kula guulaysto xulkiisa ayaa Soo afjarmay markii uu xulkiisa kula guulaystay tartanka sanadkii lagu qabtay dalka Brazil waxana uu ka qayb Gali Doonaa tartanka markii 6-aad.

Waxa aan Halkan ku Soo bandhigi Doonaa 7 Rikoodh Oo uu jabin karo Messi tartanka Copa America ee sanadkan.

  • Messi ayaa shan gool u jira inuu noqdo gooldhaliyaha ugu goolasha badan tartanka Copa America, haatan xiddiga reer Argentina ee Norberto Mendez iyo  xiddiga reer Brazil ee Zizinho ayaa heysta rikoorka goolasha ugu badan tartanka iyagoo min 17 dhaliyay.

 

  • Kaliya wuxuu u baahan yahay inuu ciyaaro hal kulan si uu u noqdo xiddig ugu safashada badan tartanka Copa America wax uu Haatan la bar-baro yahay Sergio Livingstone, kaasoo sidoo kale 34 kulan ka soo muuqday tartanka.

 

  • Kubad sameeyaha kooxda Inter Miami ayaa sidoo kale taariikh ka dhigi doona tartanka isaga oo noqon Doona xiddigii ugu horeeyay ee Argentine ah oo ka soo muuqda 7 koob oo Copa America ah.

 

  • Haddii Messi uu dhaliyo seddexley, waxa uu ku biiri doonaa koox caan ah oo ka kooban 10 ciyaaryahan oo kale kuwaas oo dhaliyay labo seddexley Copa America. Saddexleyda kaliya ee uu ka dhaliyay tartanka ilaa hadda waxa ay ahayd 2016 markaas oo uu ka dhaliyay Panama.

 

  • Messi ayaa u baahan doona in uu 10 gool ka dhaliyo Copa America si uu u diiwaan galiyo goolasha ugu badan ee hal tartan laga dhaliyay.

 

  • Haddii Messi uu ku guuleysto abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican, wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda Copa America ee ku guuleysta abaalmarinta xiddiga ugu laba tartan oo xiriir ah.

 

  • Cristiano Ronaldo ayaa haatan heysta rikoorka gooldhalinta caalamiga ah, laakiin Messi ayaa fursad u heysta inuu dhaafo xiddiga ay xafiiltamaan, Messi ayaa afar gool oo kaliya u jira inuu bar-bareeyo Rikoodhka Ronaldo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga