Warbaahinta Spain Oo Ka Fal Celisay Guushii Barcelona Ka Gaadhay Real Madrid.

Saxaafadda Spain ayaa isha ku heysa guushii weyneyd ee ay Barcelona ka gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa 5/2 ku xasuuqday kooxda Real Madrid kulankii Final-ka Spanish Super Cup.

Garoonka “Radiant Jewel” ee magaalada “Jeddah” ayaa waxaa ka dhacay ciyaartii ugu weyneyd ee ay Barcelona guul weyn ka gaartay kooxda Real Madrid.

Kylian Mbappé ayaa bilawgii ciyaarta bilaabay goolasha, laakiin taasi kama hor istaagin Barcelona inay soo laabato oo ay 5 gool u kala dhaliyeen Lamine Yamal (hal gool), Rafinha (laba gool), Robert Lewandowski iyo Alejandro Balde (hal gool).

Real Madrid ayaa dhalisay gool cusub kadib markii Goolhaye Szczesny ciyaarta laga saaray kadib markii uu Kylian Mbappe ka hor istaagay meel ka baxsan xerada ganaaxa, sidaa darteed Rodrigo ayaa laad xor ah u dhaliyay.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta waana waxa ay saxaafada Spain qiratay.

Wargeysyada Isbaanishka ee soo baxay ka dib markii Barcelona ay ku guuleysatay Spanish Super Cup:

Wargeyska Catalan ee “Mundo Deportivo“: “Super Cupka waxa uu ku jiraa gacanta Barcelona.”

“Barcelona waxa ay mar kale jabisay kooxda aan caawinta lahayn ee Real Madrid waxa ayna ku guulaysatay koobkii 15-aad”.

“Gool ay kala dhaliyeen Lamine Yamal, Lewandowski oo rigoore dhaliyay, iyo labo gool oo ay kala dhaliyeen Rafinha Iyo Balde ayaa dhulka Dhigay Real Madrid, natiijadu way ka badan lahayd intaas”.

“Szczesny ayaa ciyaarta laga saaray iyada oo natiijadu marayso 5/1, Barcelona wax ka badan 40 daqiiqo ayay ku ciyaartay 10 Ciyaartoy”.

Wargeyska “Sport” ee ka soo baxa gobolka Catalonia: “Barcelona waa ay guulaysteen kadib markii ay ceebeeyeen Real Madrid koobka Spanish Super Cup”.

سبورت بعد تتويج برشلونة بكأس السوبر الإسباني

Wargeyska ka soo baxay Madrid ee “AS“: “Super Lisa”.

“Barcelona waxay garaacday Real Madrid waxayna ku guuleysatay Super Cup.”

“Rafinha waxa uu ciyaaray Kulan aad u fiican, Real Madrid waxa ay ciyaaraysaa kulankeedii ugu xumaa muddo sanado ah, inkasta oo Mbappe uu si cajiib ah u ciyaaray”.

آس بعد تتويج برشلونة بكأس السوبر الإسباني

Wargeyska MARCA ee ka soo baxay Madrid ayaa isna yidhi“Barcelona waxay burburisay Real Madrid waxayna ku guuleysatay koob cusub Super Cup-ka”.

“Flick ayaa ka gacan sareeyay Ancelotti inkastoo Real Madrid ay hogaanka ku qabatay bilowgii ciyaarta iyadoo gool uu dhaliyay Kylian Mbappe.”

“Laakin Real Madrid ma aysan soo laaban xitaa casaankii looga saaray Szczesny”.

“Qaab ciyaareed cajiib ah oo uu sameeyay Lamine Yamal, Rafinha, kaasoo loo caleemo saaray kii ugu fiicnaa ciyaarta.”

ماركا بعد تتويج برشلونة بكأس السوبر الإسباني

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga