Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Fiidnimada Caawa.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Arsenal ayaa kula biirtay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Atletico Madrid tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez laakiin waa in ay marka hore iska iibiso xiddigaha qaarkood (Mirror).

Kooxaha chelsea iyo Man United ayaa doonaya saxiixa xiddiga 16 jirka daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Joan Martinez, Laakiin Los Blancos ayaa aaminsan in aanu xiddigu doonayn inuu boxo (AS).

RB Leipzig ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka xiddiga khadka dhexe ee Dani Olmo, inkasta oo ay wali jiraan faahfaahin lagala xaajoon doono kooxda reer Germany Kuwaas oo 60 milyan ku qiimeeya xiddiga reer Spain (MARCA).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher ayaa wadahadalo wanaagsan la yeeshay Atletico iyadoo 40 milyan oo euro uu ugu dhaqaaqayo Spain (Fabrizio Romano).

Man Utd ayaa u balamisay tijaabada caafimaadka daafaca midig ee soo socda ee Noussair Mazraoui, Red Devils ayaa xitaa diyaar u ah xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco inuu ciyaaro Community Shield usbuuca soo socda (Santi Aouna).

Imaanshiyaha Mazraoui ayaa keeni kara in Aaron Wan-Bissaka uu ka tago Old Trafford. Daaficii hore ee Crystal Palace ayaa lala xiriirinayay kooxda West Ham United balse haatan waxaa bartilmaameed u yahay kooxaha horyaalka Serie A-da (Football Insider).

Liverpool ayaa doonaysa in ay Lanus ku dhamaystirto lacag 13 milyan ah da’yarka reer Argentina ee Julio Soler kaas oo ay u arkaan badalka mustaqbalka fog ee difaaca Scotland ee Andrew Robertson oo 30 jir ah (Sun).

Romelu Lukaku ayaa diiday inuu u dhaqaaqo kooxda Premier League ee Aston Villa (Nicolo Schira).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga