Halyeeygii hore ee Liverpool, Emile Heskey, ayaa sheegay in Virgil van Dijk uu isku arki karo inuu u janjeero dhanka Real Madrid haddii kooxda reer Spain ay si dhab ah u muujiso xiisaha ay u qabto xiddiga reer Netherlands.
Van Dijk, oo 35 jir ah, ayaa haatan ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Liverpool, waxaana warbixintu sheegaysaa in kooxda aysan weli kala hadlin heshiis cusub, inkastoo ciyaaryahanku uu xaaladda ku qanacsan yahay, Heskey ayaa sheegay in Real Madrid ay tahay koox si gaar ah ciyaaryahan u soo jiidan karta, xitaa haddii uu weli heshiis kula jiro kooxdiisa:- “Marka kooxo gaar ah ay kuu yimaadaan, waxay beddeli karaan fikirkaaga, Real Madrid-na waa mid ka mid ah kooxahaas,” ayuu yiri Heskey.
Heskey wuxuu sidoo kale sheegay in haddii Van Dijk uu ka tago Liverpool isagoo heshiiskiisu dhacayo, arrintaasi aysan isaga iyo taageerayaasha kooxda si wanaagsan ula jaanqaadi doonin, maadaama difaaca reer Netherlands uu weli muhiim u yahay Liverpool.
Dhanka kale, Heskey wuxuu si weyn u amaanay Dominik Szoboszlai, isagoo sheegay inuu mustaqbalka noqon karo kabtanka Liverpool, Heskey ayaa kooxda ugu baaqay inay Szoboszlai ka dhigto mudnaanta koowaad, maadaama uu yahay ciyaaryahan leh astaamaha hoggaamineed iyo awood uu kooxda ugu hogaamiyo garoonka.

