“Wan Bixi Doonaa”:-Bruno Fernandes Oo Si Cad Uga Hadlay Mustaqbalkiisa

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes ayaa jawaab adag ka bixiyay wararka la xidhiidhinaya in uu ka tagayo kooxda Man United.

Tan iyo markii uu yimid Old Trafford bishii January 2020, Fernandes wuxuu ka mid ahaa xiddigaha ugu Fiican kooxda hadii uuna ahaynba midka ugu Fiican.

Fernandes Oo loo Magacaabay kabtanka kooxda ayuu shaki ku jiray Mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Isagoo la hadlayay Sky Sports, Fernandes ayaa yiri: “Waxaan halkaan joogi doonaa ilaa ay kooxdu i rabto, kooxduna ay rabto inaan qeyb ka noqdo mustaqbalka”.

“Haddii sabab qaar ka mid ah aysan i rabin, markaas waan tagi doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga