WAALI: Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Premier League, Farqiga Goolasha Ayaa Lagu Kala Baxayaa

SUPERCOMPUTER ayaa saadaaliyay kala saraynta ugu dambaysa ee horyaalka premier League iyada oo Arsenal la wareegtay hogaanka premier League.

3-da kooxood ee ugu sareeya horyaalka premier League ayaa kaliya kala hooseeya hal dhibic xilli tartanku meel xiiso leh marayo.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa isku dhibco leh kadib 28 kulan oo la ciyaaray iyaga oo wada leh min 64 dhibcood.

Waxa ku xigta Man City oo leh 63 dhibcood iyada oo ku dhaadhacday kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League

Supercomputer ayaa saadaaliyay in horyaalka lagu kala bixi doono farqiga goolasha iyada oo Arsenal sida Roobka goolasha u dhalinayso xilli ciyaareedkan.

Supercomputer ayaa Horyaalka u saadaaliyay Arsenal kuwaas oo ku qaadi doona farqiga goolasha isla markaas ka qaadi doona Liverpool iyada oo labada kooxood ku dhamaysan doonaan horyaalka min 86 dhibcood.

Waxa kaalinta 3-aad loo saadaaliyay Man City halka ay 5-ta boos ee hore dhamaystirayaan kooxaha Aston Villa iyo Tottenham.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga