
Sharciga horyaalka La Liga ayaa la macno ah in Trent Alexander-Arnold aanu xidhan doonin Numberka uu caanka ku noqday ee No.66 marka uu ku biiro Real Madrid.
Mustaqbalka Alexander-Arnold ayaa ahaa mawduuc aad loo hadal hayo inta badan xilli ciyaareedkan, iyadoo 26 jirkaan daafaca midig uu ku dhow yahay dhamaadka qandaraaskiisa haatan ee Liverpool.
Xiisaha Madrid ee Alexander-Arnold ayaa soo jiitamayay sanado badan, waxaana isbuucaan soo baxay warar sheegaya in kooxda heysata horyaalka Spain ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto xiddiga heerka caalami ee dalka England.
Xiddiga reer England ayaa kooxda u xidhan jiray No.66 tan ilaa markii uu u saftay kooxda kulankiisii ugu horeeyay.
Laakiin waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu badalo Numberk uu ku caan baxay maadama uu xeer u yaala La Liga uu u diidi doono arintaas.
Xeerka La Liga ayaa ah in ciyaartoyadu ayna xidhan Karin wax ka Sareeya No.25.
Be the first to comment