Chelsea ayaa weyn doonta xiddiga England Cole Palmer kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Arsenal.
Palmer waxa uu soo maray wakhti niyad jab leh kadib markii uu si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo ku fashilmay in uu wax gool ah dhaliyo tobankii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Wakhtigaas Palmer ayaa qasaariyay rigooradii ugu horeysay abid iyadoo Enzo Maresca uu shaaca ka qaaday ciyaarta ka dib inuu codsaday inuu ciyaaro inkastoo uu la dhibtoonayay xanuun maalmihii ka horeeyay.
Marka la eego xanuunka Palmer, waxaa la filayay inuu seego kulankii Europa Conference League ee khamiistii laakiin waxa uu bedel ku soo galay nasashada kulankii ay 1-0 ku badiyeen.
Chelsea ayaa la filayay in Palmer lagu arko Emirates Stadium axada ay la ciyaarayaan Arsenal ka dib markii uu soo muuqday kulankii Copenhagen laakiin 22 jirkaan ayaa laga saaray shaxdooda.
Waxaa la soo sheegay dhowr saacadood ka Hor ciyaarta in Palmer laga yaabo inuu seego kulanka London derby daal iyo xanuun muruqa ah dartiis Maresca ayaa ku wargaliyay ciyaaryahanka wareysigiisa ka hor ciyaarta.
Mar la weydiiyay inuu sharaxo maqnaanshaha Palmer, Maresca ayaa tiri: “[Waa dhaawac], waxaan rajeyneynaa inaan dib u helno ka dib fasaxa caalamiga ah.
Be the first to comment