Virgin van Dijk Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool.

Virgil van Dijk ayaa sheegay in ayna Liverpool u soo bandhigin heshiis cusub laakiin waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu Arne Slot ku soo dhaweeyo Anfield xilli ciyaareedka dambe.

Van Dijk ayaa macasalaameeyay Klopp kaas oo ka tagay kooxda kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka.

“Mustaqbalkaygu hadda muhiim maaha. Waqtigan xaadirka ah ma jirto wax aan iraahdo”ayuu Van Dijk yidhi.

“Wax is bedelay ma jiraan, ma jiro wax miiska saran,ma jiro wax is badal ah oo ka soo kordhay xaaladayda”ayuu Van Dijk yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga