Virgil van Dijk Oo Shaaciyay Wixii Uu U Sheegay Garsooraha Kadib Guuldaradii Tottenham.

Virgil van Dijk ayaa sheegay in uu u sheegay garsoore Stuart Attwell in uu sameeyay ‘qalad’ in aanu ciyaarta ka saarin xiddiga Tottenham ee Lucas Bergvall ka hor inta uuna da’yarku dhalin goolka guusha.

Bergvall ayaa dhaliyay goolka kaliya ee kulanka lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka iyaga oo guusha la gaadhi doona Anfield Bisha dambe.

Liverool ayaa dareensan in ay ahayd in da’yarka laga saaro ciyaarta kadib markii uu kaadh qaatay bilowgii ciyaarta.

“Dhageyso, waxaan u maleynayaa inay iska caddahay in kaadhka 2-aad ee digniinta ah loo taago”ayuu  sheegay kabtanka Liverpool.

“Waxa uu dhaliyay goolka guusha daqiiqado kadib waana rin laga xumaado”.

“Waxa uu sameeyay khalad sidaas ayaanan u sheegay fikirkayga”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga