Xiddiga Real Madrid, Vinícius Júnior, ayaa raalli-gelin siiyey kooxdiisa iyo taageerayaasha kaddib guushii 1-0 ee ay ka gaareen Villarreal kulan ka tirsanaa wareegga 8-aad ee La Liga.
Vinícius ayaa casaan la siiyey kaddib markii uu timaha jiiday Saliiba oo ka tirsan Villarreal, iyadoo gool uu dhaliyey markii hore la baabi’iyey kaddib dib-u-eegista VAR.
Wuxuu Instagram-ka ku qoray: “Farxaddu way sii socotaa, waxaan raalli-gelin ka siinayaa kooxdayda iyo taageerayaasha.”
Sidoo kale, wuxuu ka cabtay kaararka jaallaha iyo casaanka ah ee si joogto ah loo siiyo, isaga oo xaaladda ku tilmaamay “wax laga xishoodo.”


