Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ammaanay maskaxda iyo diyaar-garowga ciyaartoydiisa, gaar ahaan kuwa keydka ka soo gala, kaddib markii kooxdiisu ay guul 3-0 ah ka gaartay Getafe, taas oo u suuragelisay inay gaarto 24 dhibcood isla markaana qabato hoggaanka horyaalka La Liga.
Flick ayaa sheegay inuu kooxdiisa ku haysto laba ama saddex ciyaaryahan oo tayo sare leh boos kasta, isagoo ku faraxsan in dhammaan ciyaartoydu diyaar u yihiin inay fursad helaan marka loo baahdo.
Macallinka reer Jarmal ayaa carrabka ku adkeeyey in waxa ugu muhiimsan ay tahay danaha kooxda, halkii diiradda la saari lahaa tababaraha ama ciyaaryahan gaar ah. Wuxuu tilmaamay in wadajirka iyo diyaar u ahaanshaha ciyaartoydu ay muhiim u yihiin guulaha Barcelona, Dhanka kale, Flick ayaa ammaanay Anthony Gordon, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan leh xawaare sare, kubbad-hayn wanaagsan iyo hal-abuur uu kaga caawin karo kooxda weerarka.
Tababaruhu wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda Lamine Yamal, isaga oo sheegay in xiddiga da’da yar uu aad u jecel yahay kubadda cagta, balse ay muhiim tahay in si taxaddar leh loo maareeyo culayska jirkiisa iyo waqtiga uu u baahan yahay inuu ku soo kabto.
Flick ayaa intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay horumarka Gerard Martín, kaas oo gaaray 100 kulan, taas oo muujinaysa kaalinta uu ka qaatay kooxda.
Ugu dambayn, ciyaaryahanka reer Masar ee Hamza Abdelkarim ayaa fursad helay, isagoo beddel ku soo galay daqiiqaddii 82-aad ee ciyaarta.
Guushan ayaa Barcelona siisay dhiirrigelin dheeraad ah, iyadoo kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ay sii xoojinayso hammigeeda ku aaddan hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

