Viktor Gyökeres Oo Si Toos Ah Uga Jawaabay In Uu Ku Biirayo Chelsea.

Weeraryahanka kooxda Sporting Lisbon Viktor Gyökeres ayaa si toos ah uga jawaabay su’aal ku saabsan ku biiristiisa kooxda Chelsea.

Viktor Gyökeres ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaadanayo kooxda Sporting.

Chelsea, Arsenal Iyo kooxo kale oo waaweyn ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga reer Sweden.

Taageere Chelsea ah ayaa baraha bulshada soo dhigay su’aal ku saabsan hadii uu xiddigu ku biirayo kooxda Chelsea.

Taageeraha Blus ayaa barta “X”ku soo qoray su’aal ah” In Uu Viktor Gyökeres ku biiro Chelsea, Ayaa Diidaya?.

Xiddiga Viktor Gyökeres ayaa si toos ah uga jawaabay su’aasha ayaa yidhi”Maya”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga