
Viktor Gyokeres ayaa diiday dalab ku dhawaad 30 milyan ginni uu sanadkii ku qaadan lahaa kadib markii uu wadahadalo la yeeshay kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Chelsea.
Kooxo badan oo waaweyn ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa Gyokeres, kaasoo 54 gool u dhaliyay Sporting Lisbon xilli ciyaareedkii hore.
Kooxaha waaweyn ee Premier League ee Man United, Arsenal iyo Chelsea ayaa dhamaantood wadahadalo la yeeshay wakiilada Gyokeres iyaga oo isha ku haya in ay ku guulaystaan tartanka loogu jiro saxiixa mid ka mid ah weeraryahanada aadka loo qiimeeyo ee Yurub.
Laakiin Gyokeres ayaa sidoo kale xiiso ka helay meelo kale, kooxda Saudi Pro League ee Al Hilal ayaa dhawaan soo bandhigtay qandaraas cajiib ah 27 jirkaan.
Wargayska L’Equipe ee ka soo baxa Faransiiska ayaa sheegaya in Al Hilal ay dalab waali ah miiska u saartay Gyokeres ka dib markii Victor Osimhen iska diiday kooxda ka ciyaarta sucuudiga.
Osimhen ayaa la aaminsanaa in uu ku dhawaa in uu heshiis la gaaro Al Hilal balse waxa uu go’aansaday in uu iska diido kooxda reer sacuudiga si uu u sii joogo Yurub.
Al Hilal ayaa diyaar u ahaa in ay Gyokeres u soo bandhigto heshiis ku kacaya 30 milyan oo gini sanadkii ka hor lacago gunno ah waxana ay Sporting Lisbon u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay bixiso ku dhawaad 55 milyan oo euro.
Laakiin Gyokeres wuxuu diiday dalabkii Al Hilal ee soo jiidashada lahaa maadaama, sida Osimhen uu doonayo in uu sii joogo yurub.
Be the first to comment