Victor Osimhen Oo Iska Diiday PSG & Premier League Oo Sabab U Ah.

NAPLES, ITALY - JUNE 04: Victor Osimhen of SSC Napoli during the Serie A match between SSC Napoli and UC Sampdoria at Stadio Diego Armando Maradona on June 04, 2023 in Naples, Italy. (Photo by Jonathan Moscrop/Getty Images)

Xiddiga reer Nigeria ee Victor Osimhen ayaa lala xiriirinayaa suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo kooxda Paris Saint-Germain, laakiin waxa uu door bidayaa u dhaqaaqista horyaalka Ingiriiska.

Paris ayaa ka fiirsanaysa in ay heshiis la gasho Osimhen si uu u buuxiyo booska uu ka tagi doono xiddigeeda Kylian Mbappe.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday shabakada Talk Victor Osimhen ayaa si buuxda diiradda u saaray fikradda ku biirista Chelsea inkastoo uu ka tagay tababarihii hore ee Mauricio Pochettino.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Chelsea ay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa Osimhen, inkastoo ay tartan kala kulmay so kooxda PSG .

Qandaraaska Osimhen ee Napoli waxaa lagu bur-burin karaa lacag dhan 130 milyan Oo euro.

Osimhen waa 25 jir ku wanaagsan ka ciyaarista booska weerarka dhexe, waxaana qandaraaskiisa Napoli uu dhacayaa Juun 2026.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga