Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.
Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.
hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.
Crystal Palace ayaa isku diyaarinaysa in ay Liverpool dalab ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Ebere Eze ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga (Miguel Delaney).
Liverpool ayaa sidoo kale laga yaabaa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Lille Jonathan David, kaasoo lagu qiimeeyo 45 milyan Laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan kooxaha Arsenal, Chelsea, Aston Villa iyo Napoli (CaughtOffside).
Saraakiisha Sporting CP ayaa sii kordheysa walaaca laga qabo in Arsenal, Chelsea ama Paris Saint-Germain ay bixin doonaan lacagta 100 milayn ee lagu bur-burin karo heshiiska weeraryahan Viktor Gyokeres (Correio da Manha).
Manchester United ayaa ka baxday wada xaajoodkii ay Fiorentina kula jirtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sofyan Amrabat sababtoo ah qiimihaha 12 (Corriere dello Sport).
Kadib soo laabashadii Ilkay Gundogan, Manchester City ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabyada u imanaya khadka dhexe ee Portugal Matheus Nunes (Football Insider).
Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay hal isku day oo dambe ugu dhaqaaqdo saxiixa daafaca bidix ee Bayern Munich Alphonso Davies xagaagan (Relevo).
Neymar ayaa saxiixiisa u soo bandhigay kooxda Barcelona Laakiin Hansi Flick ayaa iska diiday saxiixa xiddiga (Gerard Romero).
Virgil van Dijk Ayaa sheegay in uu ka dagan yahay xaaladiisa xilli aanay kooxdu wali la furin wahadalo heshiis cusub (90min).
Kooxda chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay heshiis isku badalasho la samayso Man United iyaga oo ka doonaya saxiixa Jadon Sancho (90min).
Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson ayaa sheegay in uu dalab ka helay kooxaha sucuudiga laakiin uu iska diiday dalabkaas (90min).
Man United ayaa laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Raheem Sterling si ay ugu badasho Jadon Sancho (Sky Sports).
Be the first to comment